Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay u duulay Nigeria

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminaayay, ayaa qorox dhicii caawa u amba baxay Magaalada Abuja ee Xarunta Nigeria.

Madaxweynaha ayaa waxa uu Casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi, waxaana la filayaa in Casuumaadiisa ay qaadato maalmo.

Wefdi horkacaayo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa muddo kooban jooggi doono Magaalada Nairobi, iyadoona ay kaga sii gudbi doonaan Nigeria.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 29-ka bishaan caleemo saarka Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari kaga qaybgeli doono Magaalada Abuja.

Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa xaqiijiyay in muddo dhowr maalmood ah uu Madaxweynuhu soo jooggi doono dalkaasi, isagoona kula kulmi doono Madaxweyne Buhari.

Waa safarkii ugu horeeyay oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu amba baxo Nigeria, tan iyo markii uu tallada dalka la wareegay, muddo saddex sano ku dhow laga jooggo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com