Doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo goordhow billaabaneysa

Garoowe (Caasimada Online) Sidda ay goordhow noo soo sheegeen wariyaasha Caasimada Online ee Garoowe ku sugan, waxaa la filayaa in goordhow laguda galo doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay taagan yihiin 10-musharrax.

Codbixinta madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa u qaadi doona 66-ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Puntland.

Musharrixiinta u taagan xilka madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa kala ah

1-Gen.Cabdisamad Cali Shire

2-Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade

3- Cabdullaahi Daahir Maxamuud (Afqirac)

4-Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)

5-Maxamuud Caydiid Dirir

6-Daahir Khaliif Maxamuud

7- Cabdirisaaq Maxamed Cumar Godane

8-  Maxamed Xirsi Ducaale

9-Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar

10- Xuseen Xaaji Xasan