DEG DEG: Cabdi Weli GAAS oo noqday madaxweynaha cusub ee Puntland

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow lagu dhawaaqay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, kaddib doorasho saakay ka billaabatay xarunta golaha baarlamaanka ee Garoowe.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Saciid Cali Shire ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadda,waxaana uu sheegay in madaxweynaha cusub uu ee Puntland uu helay 33-cod codadka baarlamaanka Puntland.

Wuxuu sheegay in Cabdiraxmaan Faroole uu helay 32-cod.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in hal cod uu xumaaday.

Intaas kaddib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas kaasoo sheegay in uu wax badan ka qababn doono arrimaha Puntland shanta sanno ee uu xafiiska joogayo.

Wuxuu u mahadceliyay madaxweynihii horre ee Faroole, iyo dhammaan musharrixiinta kale ee isku soo taagay doorashada.

Madaxweynihii horre ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa isna hadlay wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaabka dimuquraadiga ay u dhacday doorashada, wuxuuna u mahadceliyay madaxweynaha cusub ee Cabdiweli Gaas.

Faroole ayaa shacanka iyo ciidaamada Puntland ka codsaday in ay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub si uu uga shaqeeyo dib u dhiska iyo horrumarka Puntland.

Waxaa hadda hadlaya wakiilka gaarka ah ee xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabisan Soomaaliya Danjire Nichalas Kay, kaasoo aad u soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday doorashada.

Haddaba labada musharrax ee u soo baxay wareega ugu dambeeyay doorashada siddee ayey ukala heleen codadka.

Wareegii koowaad Cabdiraxmaan Faroole ayaa helay 27-cod, halka Cabdiweli Gaas uu helay 13-cod.

Wareega labaad Cabdiraxmaan Farooel ayaa helay 31 cod, Gaas wuxuu helay 18-cod

Wareega seddaxaad Cabdiweli Gaas ayaa helay 33-cod halka Cabdiraxmaan Faroole uu helay 32-cod, waxaana halaabay hal cod sida uu sheegay guddoomiha baarlamaanka Puntland.

Si kastaba, madaxweynaha cusub Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa hor yaalla arrimo badan oo ay ka mid tahay in uu wax badan ka qabto ammaanka Puntland oo falal ammaanka lid ku ah ay dhacayeen kaasoo ay ugu dambeesay weerarkii ka dhacay Boosaaso.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com