DEG DEG : Faroole iyo C/Weli Gaas oo isugu soo haray wareega saddexaad

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow lagu dhawaaqay natiijada wareega labaad ee doorashada Puntland oo ay u taagnaayeen seddax musharrax.

Waxaa wareegaas ka soo baxay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo horrey u soo noqday ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Faroole waxaa helay 31-cod

Gaas waxa uu helay 18-cod

Waxaa wareega labaad ku haray Cali Xaaji Warsame oo helay 16-cod

Wareega 3-aad ee doorashadda ayaa ah middi ugu dambeysay waxaana si weyn looga arkayaa xarunta baarlamaanka olole ay wadaan taageerayaasha labada musharrax.

Doorashadan waxaa si weyn loogala socda xarunta Villa Soomaaliya ee looga arrimiyo dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Waxaa warar ay heshay Caasimada Online ay muujinayaan in doorashadda Puntland ay dib u dhigtay magacaabista xubnaha cusub ee golaha wasiiradda Soomaaliya.

Kala soco Natiijada Caasimada Online oo wariyaal badan ay ka joogaan xarunta golaha baarlamaanka Punland ee Garoowe.