Seddax musharrax oo isugu soo haray doorashada madaxweyne ee Puntland

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa doorashadda Puntland isugu soo hartay seddax musharrax oo kala ah, Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas iyo Cali Xaaji Warsame, kuwaasoo ka soo gudbay wareegii koobaad ee codbixinta doorashadda.

Guddiga doorashooyinka doorashooyinka ayaa ka codsaday xildhibaannada baarlamaanka in ay san qaldin goobaha cod bixinta ay ka socoto.

Seddaxdan musharrax waxa ay kala ahaayeen kuwii la filaayay markii loo eego 11-ka musharrax ee u taagab doorashadda Puntland.

Seddax musharrax ayaa kala helay:

Madaxweyne Faroole ayaa helay  27-cod.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa helay 13-cod

Cali Xaaji Warsame ayaa helay 12-cod.

Waxaa hadda billaabatay tirinta wareega labaad ee codbixinta musharrixiita seddaxda ah

Doorashadda qaybtan ayaa aad xasaasi u ah, waxaana guddiga doorashooyinka ay codsadeen in la joojiyo wax kasta oo dhaqdhaqaaq ah inta ay socoto doorashadda.

Kala soco wixii soo kordha oo iska ku haay Caasimada Online