Guddoomiyaha BF oo arrin muhiim ah balse aad u adag ka dhawaawjiyey

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya baarlamaanka uu la xisaab tami doono xukuumadda Soomaaliya, maadama ay soo baxeen is qabqabsi la xiriirta baarlamaanka iyo xukuumadda.

Jawaari ayaa sheegay in seddaxdii bil ay qiimeen ku sameen doonaan wax qabadka xukuumadda si meesha looga saaro ayuu yiri is qabqabsi.

Waxaa uu tilmaamay in hey’addaha dowladda sida baarlamaanka, xukuumadda iyo garsoorka la gaarsiiyo degmooyinka iyo gobalada dalka.

Jawaari ayaa xusay in xukuumadda cusub looga baahan yahay siddii ay kharashaadka ugu darsan lahayd arrintaas oo uu sheegay in ay muhiim tahay.

Waxaa uu ku celceliyay in uu ogaaday in loo baahan yahay in shacabka ay arkaan xafiisyada dowladda oo ka shaqeeya goobaha ay ku nool yihiin sida degmooyinka iyo gobalada dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay qaabka ay codka kalsoonida ugala laabteen xukuumadii Saacid taasoo loo didday in wax qabadkooda ka soo hor gudbiso baarlamaanka, waxaana markii dambe loo qaaday cod taasoo lagu riday.

Waxaana dad badan ay tallaabadaas ku macneeyeen arrin fadeexo ku ah baarlamaanka oo la is lahaa waa kuwa laga doonayay in ay sharciga ilaaliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku shaqeesa intooda badan Villa Somalia, wallow ay jiraan goobo ay xafiisyo ka furatay laakin badankooda lagama shaqeeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com