Mid ka mid ah shaqaalihii TURKIGA ee Muqdisho oo gurigeeda lagu ag dilay

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xaley degmada Xamar-Jajab waxa ay ku dileen haweeney u shaqeen jirtay Turkiga, oo howlo gargaar ah ka wada caasimada Muqdisho.

Haweeneydan ayaa la sheegay in dileen kooxo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo ku sugaayay meel ku dhow gurrigeeda.

Kooxda dilka geestay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana durba gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaan ka sameeyay xaafadda dilka uu ka dhacay balse cid ay soo qabteen ma lahan.

Ma aham markii ugu horreysay oo mid ka mid shaqaalaha u shaqeeya Turkiga lagu dilo Muqdisho, waxaana jirta kuwa kale oo horrey loogu dilay.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ka hadlaayay banaan bax lagu taageerayo howlaha Turkiga uu ka wado Muqdisho ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan shaqaalahaha Turkiga ee ku sugan Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in Turkiga wax qabad la taaban karo uu ka hayo magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com