Xog ku saabsan doorashada Puntland ee goor dhow billaabaneysa (Aqri)

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Arbaca ah ka dhaceysa doorashada madaxweynaha Puntland taasoo ay u taagan yihiin 11-musharrax.

66-da xildhibaan ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Puntland ayaa dooran doonta madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa.

Ammaanka goobta doorashada ay ka dhaceyso ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la dhigay ciidamo fara badan oo ah kuwa daraawishta.

Waxaa kaloo doorashadda ka qaybgalaya ergooyin ka socda beesha caalamka iyo kuwa ka yimid gobalada Soomaaliya.

Maxaa hor yaalla cidda la doorto maanta?

Cid kasta oo ku guuleesata doorashadda Puntland waxaa hor yaalla arrimo badan oo ay ka mid tahay siddii wax looga qaban lahaa ammaanka, xoojinta xiriirka Punland iyo dowladda Fedaraalka, adkeynta xuduudaha iyo dhaqaalaha la kobciyo.

Ma cadda sidda ay wax noqon doonaan, balse dad badan oo odorosa arrimaha Puntland waxa ay lee yihiin waxaa laga yaabaa in isbadal uu ku yimaado hoggaanka Puntland, taasoo ah in qof cusub uu xafiiska qabt.

Akhristayaal waxaa naga xasuus ah in doorashada Puntland oo gordhow billaaban doonta in aad kala socon kartaa Shabakadda Caasimada Online oo wariyaal ay u joogaan goobta doorashadda haddii alle idmo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com