DHAGEYSO: Faroole oo qaatay go’aan ku wajahan doorashada P/L ee maanta

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Musharax u tartamaya jagada madaxtinimo ee Puntland ee maanta dhaceysa Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole ) ayaa sheegay in uu la shaqeyn doono Musharax ku guuleysta doorashada.

Musharax Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ayaa sheegay in si wanaagsan ay ku socoto hawsha loogu jiro in Puntland yeelato hoggaamiye shanta sanno ee soo socota.

Mar uu ka hadlaayey go’aanka uu qaadanayo marba haddii lagaga guuleysto doorshada ayuu sheegay in uu soo dhaweynayo isla markaana uu la shaqeyn doono balse qudhiisu uu soo laaban doono kuna guuleysan doono doorashada.

Halkan ka dhageyso Faroole

Musharax-Cabdirixmaan-Faroole

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com