Goorma ayaa la shaacin doonaa waqtiga doorashada SOMALIA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ku kulmaan madaxda madasha Qaran oo iyagu la filaayo inay ka doodi doonaan Hanaanka doorasho ee dalka.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa 28-kii June ee sanadkan magacaabay guddiga doorashooyinka Somalia oo iyagu mas’uul ka noqon doona howlaha la xiriira doorashooyinka dalka ee ku beegan dabayaaqada sanadkaani.

Guddigan ayaa howshiisu tahay fulinta farsamada doorashada, waxa ayna qorshahooda iyo qaabka ay u dhici doonto doorashada hordhigi doonaan Madaxda Madasha Qaran.

Guddiga ayaa waxa ay sidoo kale, Madaxda Madasha u gudbin doonaan waqtiyada ay ku dhameystiri karaan howlaha doorashada ayna ku qabsoomi karaan.

Qorshaha saxda ah ee doorashada loo jideeyay ayaa aheyd in doorashooyinka labada Aqal ay qabsoomaan bishan August ee hadda bilaabatay, tan madaxweynahana bisha soo socota ee September, balse ma muuqdo diyaar garowgii suura gelin lahaa in doorashooyinka aysan ka dib dhincin August iyo September.

Waxaa dhawaan soo baxday warar sheegaya in doorashada dalka ay dib u dhacday, waxa uuna qorshaha Guddigu yahay in Madasha Qaranka ay u cadeeyaan in doorashada aysan ku dhici karin xiliga loogu tallo galay.

Madasha Qaranka ayaan la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan dib u dhaca doorasho oo ay gudbin doonaan Guddiga doorashooyinka, waxaana muuqaneysa in doorashada aysan ku dhici doonin xiligeeda ka sokow qorshaha u degsan Xassan Sheekh.

Madasha Qaranka ayaa horay usoo bandhigtay inaan xiliga doorashada aan laga dib dhigi karin wakhtiga leysku raacay.

Ma cadda go’aanka ay Madasha Qaranka ka gaari doonto dib u dhaca la sheegaayo inuu ku imaan karo doorashada si waxa u qorsheysan Madasha Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com