Warbixin yaab leh oo la xiriirta dhalmada Somalia oo la baahiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’ada Unicef ayaa magaalada Muqdisho kusoo bandhigay warbixin ay sheegeen iney tahay mid yaab badan, kadib markii haweenka Soomaaliyeed kaalinta kowaad xaga dhalmada ay caalamka ka galeen.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay dhalaan 6.6 cel celis ahaan caruurtooda, waxaana la sheegay iney dhibaatada ugu horeysa ay tahay in dumarka ay ku guursadaan da’da yar oo dhibaato u keeni karta karta, waxaana dhibaatada ugu daran lagu sheegay iney xitaa u dhiman karaan xiliga dhalmada.

Dhibaatooyinka kale ee ay qabi karaan haweenka Soomaaliyeed ayaa hayada UNICEf waxay ku sheegtay iney tahay dhalmada haweenka Soomaaliyeed oo aan kala fogeyn oo ay haweenka dhalaan caruur bilooyin qaarkoo u dhaxeeyaan.

Dhimashada haweenka Soomaaliyeed xiliga dhalmada ayaa hayada waxay sheegtay iney ugu wacan tahay ineysan helin dhaqtar wanaagsan iyo daawada la doonayo in haweenka la siiyo xiliga dhalmada.

Dhinaca kale Hayada waxay sheegtay in hoos u dhac laga dareemayo tirada haweenka Soomaaliyeed ee umul raacda marka loo eego sanadkii 2012, xiligaasi oo la sheegay 1200 ay dhiman jireen balse haatan la sheegay iney gaareyso ku dhawaad 700 oo dumar ah.

Warbixinta UNICEF waxaa lagu sheegay in carruurta ay dhibaato badan haysato, waxaa ka mid ah FGM-ka, gudniinka inkasta oo dastuurka lagu diiday hadana hirgelintiisa waxaa la is tusay in ay waqti qaadan doonto, oo baahi badan loo qabo in bulshada la wacyigeliyo iyadoo loo marayo culimada Soomaaliyeed.

Guurka  Yaraanta ah waa dhibaato kale oo carruurta soo wajahda, waxaa dhacdo in gabadha la guursado iyadoo waxbarasho ku jirta halkaasna ay wax walbo ku ilowdo, dhibaatooyin xagga maskaxda iyo jir ahaanba ay soo gaaraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com