Sideed qodob oo xal u baahan iyo awoodo ay tahay in la cadeeyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo shaki badan la muujinayo qabsoomida doorashada madaxweynaha iyo xildhibaanada sanadkaan ayaa hadana waxaa soo baxaya qodobo muhiim ah in xal laga gaaro ka hor inta aysan dhicin doorashada.

Gudoomiyaha gudiga dib u eegista dastuurka baarlamaanka ahna xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa sheegtay in dalka uu u baahan yahay in xal laga gaaraa sideed qodob oo Masiiri ah.

Xildhibaan Maryan Cariif, waxay sheegtay in sideeda arimood ee masiiriga ah ay tahay mid muhiim ah, haddii xal buuxa laga gaarana horumar wanaagsan lagu tilaabsan doono.

Waxyaabaha ay soo hadal qaaday waxaa kamid ah

:Awooda Madaxweynaha
:Awooda Ra’iisul wasaaraha
: Dastuurka
:Maqaamka Muqdisho
:Awooda golaha Shacabka
: iyo Madaxbanaanida Garsoorka dalka

Dhibaatada ugu daran ee ka taagan dalka Soomaaliya ayay ku sheegtay iney tahay cadaalada, sababtoo ah bey tiri haddii cadaalad la heli lahaa ma dhici lahen xad gudub kasta.

Arrimahan masiiriga ah ayaa intooda badani ku jiraan dastuurka dalka waxayna ka mid yihiin 5 cutub ee ugu dambeysay, uguna dhibka badneynd ee hor yaallay guddiga dib u eegista dastuurka, haddana ay u eegtahay in lagu simayo wax ka qabashadooda baarlamaanka 10aad ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com