Beesha Habar-gidir oo raacday waddadii beelaha Mudullood..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan kulan la yeelan doona odayaal ka mid ah beesha Habar-gidir oo sida la sheegay magaca beesha kula shiri doono.

Madaxweynaha ayaa waxa uu qorshihiisu yahay inuu odayaashaas weydiisto inay taaageeraan ololihiisa in dib loo soo doorto, isaga oo taa beddelkeedna lacag ku farqi doono.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu lacag boqolaal kun oo dollar ah doonayo inuu ku bixiyo inuu helo taageerada beesha Habar-gidir, si la mid ah sidii uu odayaal magac Mudullood sheegtay uu taageero horey uga helay.

Inta badan xubnaha sare ee siyaasadda beesha Habar-gidir ayaa iska diiday la kulanka Xasan Sheekh, ayaga oo u sheegay in afar sano oo gabood fal ka dhan beelaha Hawiye aan lagu beddeli karin hal kulan oo Xasan lala yeesho.

Si kastaba, si uu warbaahinta ugu sheego in beesha Habar-gidir ay taageertay ayuu Xasan lacag badan u ballan qaaday xubno magaca beesha ku taageeri doona oo calooshood u shaqeystayaal ah.

Xasan ayaa sidan oo kale magaca beelaha Mudullood uga iibsaday dhowr shaqsi kadib markii xubnaha sare ee beesha ay diideen inay la kulmaan. Halkan ka aqri.

Beesha Habar-gidir ayaa u muuqata inay raacday waddadii beesha Mudullood, taasi oo mar kale muujineysa isku duubnida beelaha Hawiye ee ku aadan inaan mar dambe dib loo soo dooran Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com