Nabadoon caan ka ah Somalia iyo nin la socday oo la khaarijiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad Hubeysnaa ayaa waxa ay Caawa weerar ku qaaden maqaaxi ku taalla Magaalada Baled-xaawo.

Maleeshiyaadkaani ayaa waxa ay weerarkooda ku dileen Nabadoon Idiris Cabdi, waxaana sidoo kale ay dhaawac culus u geysteen nin la socday oo lagu magacaabo Maxamed C/laahi, sida ay sheegtay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan tahay, ayaa labadaasi xubnood rasaas ku furtay, waxayna weerarka ka dib ka baxsadeen goobta.

Ujeedka weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa Nabadoon Idiris Cabdi oo kamid ahaa Nabadoonada ugu caansan Magaalada Baled-xaawo.

Nabadoon Idiris Cabdi oo dhaawaciisu uu yahay mid daran, ayaa waxaa loo qaaday Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, si halkaasi wax looga qabto xaaladiisa caafimaadeed, waxa ayna goordhow Idaacadda KNN xaqiijisay in Nabadoonka uu geeriyooday.

Dhinaca kale, Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Degmadaasi Beled Xaawo, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay wadaan hawlgal ay ku baadigoobayaan dableydii weerarka gaysatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com