Sawirro: Meydka saraakiil Ruush ah oo dhulka lagu jiidayo (Arag)

Muqdisho (Caasimada Online) –Diyaaradaani ayaa lagu soo riday gobolka ay mucaaradku heystaan ee Idlib ee dalka Syria, waxaana la socday 5 ruux oo ay ku jiraan saraakiil.

Wasaaradda Difaaca ee Russia, ayaa xaqiijisay geerida Shanta ruux oo ay ku jiraan Saraakiisha, waxa ayna wasaaradu qirtay in meydka Saraakiisha loola dhaqmay qaabab laga wacan yahay.

Helikoptarka lasoo riday ayaa waxaa la sheegay in noociisu ahaa Mi 8 iyadoo sababta ay usoo dhacday ay tahay kadib markii la toogtay xili ay ka soo laabanaysay magaaladda Aleepo oo ay Kaalmo Samafal gaarsiiyeen.

Wasaaradu waxa ay sidoo kale xaqiijisay in Helikoptarka ay kaga geeriyooden Seddex shaqaalihii la socday diyaarada iyo 2 Sarkaal.

Sawirro laga soo qaaday meydadka Saraakiisha iyo shaqaalaha la socday diyaarada ayaa muujinaayay Saraakiil dhulka lagu jiidayay meydadkooda.

shil 1

shil 2

shil 3

shil 4

shil 5

shil 6

shil 7

shil 8

shil 9

shil 10