Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa oo maanta ka dhacay deegaanka..

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaalkaani ayaa ka dhacay Degaanka Ximcadde ee hoostaga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, kadib markii halkaasi ay kuwada dagaalameen labo maleeshiyo Beelood oo wada dega degaanka.

Dagaalka oo aad u cuslaa ayaa waxaa lagu dilay tirro maleeshiyaad oo labada dhinac kala ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhimatay ilaa 11 qof oo u badan dhimacyadii ku dagaalamay Degaanka Ximcadde ee Gobolka Galgaduud.

Waxaa sidoo kale, ku dhaawacmay dagaalka ku dhawaad 27 ruux oo kala taabacsan labada maleeshiyo, waxaana sidoo kale dadka uu khasaaraha soo gaaray ku jiray dad shacab ah.

Dagaalkaani ayaa daba socda dagaalo sidaan oo kale maalmo un ka hor ka dhacay degaanka maanta ay dirirtu ka dhacday.

Xiisadaan oo salka ku heysa is qab qabsi la xiriira Ceel Biyood ay Beelahaasi walaalaha ah isku heystaan ayaa maalmihii dambe ka taagneed deegaanno ku dhow dhow degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com