Sawirro: Ciidamo khaarijin lahaa ERDOGAN oo gacanta lagu dhigay

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Turkiga, ayaa gacanta kusoo dhigay ciidamo baxsad ka ahaa Kumaandooska Turkiga, kuwaasi oo qorsheynaayay inay khaarijiyaan Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan.

Warbaahintu waxa ay qortay in ciidamada gacanta lugu dhigay ee qorsheynaayay dilka Erdogan, ay ahaayen ku dhawaad 14 kuwaasi oo u xilsaarnaa khaarijinta Erdogan.

Ciidamadaani ayaa waxaa xogta lagu soo qabtay baxshay Sirdoonka dalka Turkiga, waxa ayna u baxsadeen dhanka magaalada Marmaris halkaasi oo uu Madaxweyne Erdogan uu fasax ku joogay.

Ciidamadaani ayaa waxaa laga soo dhexqabtay magaalo yar oo hoostagta magaalada weyn ee lagu magacaabo Marmaris.

Gacan ku dhigista Ciidamadaani ayaa qaadatay dhowr maalin, waxaana lagu baadigoobaayay diyaarado dhowr ah si aysan u baxsan ciidamada.

Qabashada Ciidamada ayaa waxaa sidoo kale, ka qeybqaatay dadka deegaanka oo ka ugaarsanayay keyn halkaa ku taal kuwaasi oo Saldhigyada Kenyntaasi ku wargaliyay waxaana sidaa ku suuragashay in gacanta lagu dhigo.

Ciidamadaani oo lala yeeshay Wareysi hordhac ah ayaa waxa ay qirteen in qasdigooda uu ahaa inay khaarijiyaan Madaxweyne Erdogan.

Şehit Piyade Kurmay Yarbay İlker Çelikcan operasyonu
Turkish soldiers detain Staff Sergeant Erkan Cikat, one of the missing military personnel suspected of being involved in the coup attempt, in Marmaris
Turkiga 5

Turkiga 2

Turkiga 3