C/Weli Gaas oo HUB iyo CIIDAN isugu daray Cabdiraxman Faroole

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka maamulka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulkaasi C/wali Gaas uu diyaariyay Hub iyo Ciidamo farabadan oo loogu tallo galay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

C/wali Gaas, ayaa Hubka iyo Ciidanka ugu tallo galay in lagu xaqiijiyo amniga Musharax Faroole oo dhawaan la filaayo inuu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa la sheegay inay u badnaan doonaan koofiya casta Puntland, waxaana sidoo kale wehlin doona ciidamo kale oo ka tirsan Nabadsugida maamulka.

Ciidamadaani ayaa waxaa laga soo dhex xulay ciidamada kale, waxaana la filayaa in qaarkood ay magaalada Muqdisho uga soo hormari doonaan Faroole, halka qaarna ay isaga la imaandoonaan.

Ciidamadaani ayaa waxaa maalmo un ka hor loo qeybiyay Hub cusub oo looga soo saaray keydka, si mudada uu socdo ololaha u dardar galiyaan xaqiijinta amniga Faroole iyo goobaha uu degi doono.

Sidoo kale, ciidamada ayaa waxaa loogu tallo galay gaadiid nooca dagaalka ah oo ay isticmaali doonaan mudada ay ku sugnaan doonaan magaalada Muqdisho, gaadiidkaasi oo magaalada Muqdisho lagu keeni doono markab.

C/raxmaan Faroole ayaa magaalada Muqdisho ka degi doona dhismo ku yaalla agagaarka Garoonka Aadan Cadde, waxa uuna sidoo kale mas’uuliyiinta ku qaabili doonaa Hoteelada gaar ahaan Jazeera iyo guriga uu degi doono.

Dhanka kale, ciidamada uu Gaas u diyaariyay C/raxmaan Faroole ayaa kusoo beegmaaya iyadoo gudaha asbuucii tagay uu Faroole Taliska AMISOM ka dalbaday ilaalo uu ku biirsado kuwa isaga ilaalin doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com