“Madasha, Xasan, Guuleed iyo C/W Gaas oo dano gaar ah wata”

Muqdisho(Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo walaac ka muujinayay dib u dhac ku yimaada doorashada sanadkaan ayaa markaan sharci Daro ku tilmaamay madaxda madasha wadatashiga qaran, iyagoo sheegaya in dad dano gaar ah wata ay ku mideysan yihiin madasha.

Maxamed Xasan Qoone oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madasha ay yihiin kuwo sharci daro ku dhisan ayna ku midoobeen danahooda gaarka ah, sida uu hadalkau dhigay xildhibaanka.

Xildhibaan Qoone, wuxuu sheegay in dadka madasha ku midoobay ay yihiin kuwo doonaya fulinta danahooda gaarka ah iyo in la daciifiyo awooda xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee hadda dhisan.

“Madashu markii horeba sharci kuma fadhin oo sharci ma ahayn, waxay ahayd arrin baarlamaanka iyo dowladda lagu daciifinaayo oo ay keeneen dad dano gaar ah leh, Soomaalidu waxay tiraahdaa hal baadi ah nirig xalaal ah ma dhasho, marna ma aaminsani in madashu ay wax fiican keeni karo”. ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone, wuxuu dhinaca kale uu sheegay in xasilooni la’aanta dalka Soomaaliya ay ugu wacan tahay inaan la dhowrin sharuucda dalka u degsan, ilaa sharciga lagu dhaqmana wuxuu sheegay ineysan wax hagaagi doonin.

Xildhibaanada baarlamaanka oo qaarkood la socdo xaalada siyaasadeed ayaa sheegaya in shaki badan ay muujinayaan kaasi oo ah in waqtigii la rabay aysan ku dhicin doorashada sanadkaan la qorsheeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com