Xog: Madoobe iyo Gaas oo wada qorshe lagu fashilinayo XASAN

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa wada qorsho ay kaga gaashamanayaan siyaasada uu Madaxweyne Xassan ku doonaayo inuu kusii dheereysto xilka.

Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas oo ka fiigtaalsan qorshaha Xassan Sheekh, ayaa iminka bilaabay inay xiriiro kala duwan la sameeyan Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, iyaga oo ku wargalinaaya in dowlada Somalia ay maleegeyso qorsho la xiriira wakhti kororsi.

Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas, oo siyaabo kala duwan ula hadlay Wakiilka QM ee Somalia, ayaa u cadeeyay inaysan aqbali doonin in dowlada Somalia ay ku dhaqaaqdo dib u dhaca doorashada.

Waxa ay u sheegen in goor hore ay ka digeen in la burburiyo qodobadii ay wada saxiixday Madasha, balse ay tani u muujineyso inaanu jirin heshiis rasmi ah.

Wakiilka iyo wakiilo kale oo ka tirsan isla Beesha Caalamka ayay u sheegen inay suuragal tahay in Madaxweynaha dalka uu damacsan yahay in u dhac lagu sameeyo dooeashada, hayeeshee taasi aysan aqbali doonin, haddii ay dhacdo inay aqbalaana ay u baahnaan doonaan sabab ay ku qancaan.

Waxa ay tilmaamen inaanu jirin wargalin ay ka heleen dhanka Madaxtooyada balse ay u baahan yihiin in xili hore laga baaraandago wixii carqaladeynkara Heshiisyadii ay wada galeen DF iyo Maamulada, sida aan xogta ku helnay.

Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer ka digtay in dowlada Somalia ay la imaado wakhti kororsi muujinkara in doorashada laga dibmariyo xiligeeda.

Madaxtooyada Somalia ayaa iyana horay u saxiixday in doorashada dalka ay dhaceyso wakhtigii loogu tallo galay, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in la diyaariyay Jadwal cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com