XOG: Xassan Sheekh iyo Hadliye oo isku haya dhaqaale la lunsaday

Muqdisho (Caasimda Online)-Sida ay kusoo waramayaan ilo wareedyo ka tirsan xarunta Madaxtooyada Somalia, waxaa khilaaf dhanka dhaqaalaha ah uu ka dhextaagan yahay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Wasiirka arrimaha dibadda Somalia C/salaan Hadliye.

Ilo wareedka waxa ay sheegayan in khilaafka uu ahaa mid maalmahaani taagnaa kaasi oo ka dhashay dhaqaale la sheegay inuu is dabamariyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, taa oo laga soo qaaday dowlado carbeed oo xiriir dhaqaale uu kala dhexeeyay Xassan Sheekh.

Khilaafka ayaa sii laba kacleeyay kadib markii Wasiir Hadliye uu iska fogeeyay in lacagtaasi uu soo qaaday, hayeeshee markii uu Xassan Sheekh xaqiijiyay in dhaqaalahaasi loogu soo dhiibay Wasiirka uu faraqa qabsaday Hadliye.

Khilaafkaani ayaa waxaa la sheegayaa in iminka uu soo ifbaxay, waxaana qalqal ku jira xilka Wasiir Hadliye oo isaga falal ceynkaani ah horay ugu kacay.

Madaxweynaha Somalia ayaa inta badan dhaqaalaha laga soo qaado dowladaha uu ka heysto ballanqaadyada uga dirsado Wasiir Hadliye iyo Wasiiro kale uu isaga ku kalsoon yahay, waxa uuna mar waliba iska ilaaliyaa in dhaqaalahaasi lasoo mariyo Wasiirka Maaliyadda amaba Bankiga Dhexe ee Somalia.

Xassan Sheekh ayaa sidoo kale xiliyada qaar dhaqaalahaasi u dirsada Xildhibaano ay garab yihiin , inkastoo xaalka uu iminka yahay mid kaasi ka duwan.

Lama saadaalinkaro sida uu Xassan Sheekh ka yeeli doono Wasiir Hadliye oo aan xadidin faragalinta uu ku hayo dhaqaalaha u gaarka ah Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com