Xog: Madaxweyne ERDOGAN oo ku billaabay arrin xasaasi ah.!!

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa lagu wadaa in isbedel uu ku sameyn doono Hay’adda Sirdoonka dalkiisa.

Erdogan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in isbedel lagu sameeyo Taliyayaasha Sirdoonka iyo Saraakiisha ka hoos shaqeysa.

Erdogan waxa uu sheegay in su’aashu ay tahay mid ka taagan sababta ka danbeysay in Sirdoonka ay xogaha afganbiga u heli waayeen.

Waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay dhowr taliyayaal oo uu sheegay in wax laga weydiin doono sababta ay ula socon waayen afganbiga fashilmay waxa uuna ku goodiyay isbedel degdeg ah.

Sidoo kale, Erdogan ayaa sheegay in isbedelka uu saameyn doono Talisyada Milliteriga, Booliska, Taliyeyaasha ciidamada dhulka, cirka iyo badda.

Erdogan ayaa horay shaqada uga eryay Taliyayaal iyo Saraakiil lagu tuhmaayo inay wax ka maleegen afganbiga.

Ma uusan sheegin tiradda guud ee uu shaqada ka fadhiisin doono, balse waxa uu sheegay in Hay’addaha amaanka ay u harsan tahay keliya Sirdoonka, halka Hay’adaha kale uu kala sifeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com`