W/Waxbarashada oo musuq maasuqday natiijada imtixaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn soo baxday markii lagu dhawaaqay imtixaankii dugsiyada sare ee dhawaan wasaarada ay qaaday.

Wasaarada waxbarashada ee xukuumada Soomaaliya ayaa dhawaan lagu eedeeyay iney si musuq maasuq ah usoo dhajisay natiijadii imtixaankii ay qaaday, waxaana ardayda qaar ay sheegeen in booskooda la geeyay arday kale oo aan u qalmin.

Qaar kamid ah ardayda ka qeyb gashay imtixaanka wasaarada ayaa sheegay in qaab aan cadaalad aheyn loosoo dhajiyay natiijada, waxayna sheegeen in marnaba aysan ku qanacsaneyn go’aanta wasaarada ay ka gaartay dhibcaha ardayda ay keensadeen.

Wasaarada waxbarashada dhankeeda waa ay ka jawaabtay arintan, oo waxay sheegtay ineysan jirin arday ay kala jecel yihiin, waxaana ay intaasi raacisay iney deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah la siin doono ardaydii ugu horeysay ee darajada wanaagsan keensaday.

C/qaadir Maxamed Nuur, oo ah agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada ayaa sheegay ineysan dhicin eedeynta wasaarada loosoo jeediyay kadib markii shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com