Muqdisho (Caasimada Online) Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ay ka socdeen kulamo gaar ah oo u dhaxeeyay xildhibaano loo xilsaaray hishiiskii madasha wadatashiga qaran ayaa xildhibaanada qaar waxay ka hadleen halkey wax marayaan.
Xildhibaano ka mid ah kuwa sida gaar ah loogu xil saaray iney katalo bixiyaan hishiiskaasi ayaa sheegay in Isniinta maanta ah la horgeynayo xubnaha baarlamaanka hishiiska oo ay dib u eegis ku sameeyeen.
Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Fadhaye oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta xubnaha baarlamaanka la horgeyn doono hishiiskii ay maalmahaan dib u eegista ku sameynayeen xildhibaanada sida gaarka loogu xilsaaray.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xubnaha baarlamaanka ay meel wanaagsan keeneen hishiiska uuna soo dhamaaday wadahadal, maanta xubnaha baarlamaanka la horkeeni doono hishiiska sida uu sheegay xildhibaan Fadhaye.
Mr, Fadhaye wuxuu cadeeyey in Sharciyad loo sameeyey Heshiisyadii Madasha Wada tashiga oo aysan waxba dibu dhac ah ku imaan doonin arrimaha ku aadan heshiisyadii lasoo galay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

