Goormee ayey Somalia ka baxayaan ciidamada AMISOM ee ugu horeeya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ee Somalia ayaa bilaabay diyaarinta ciidamada ugu horeeya ee la filaayo inay ka baxaan Somalia.

Taliska ayaa la xaqiijiyay in iminka uu wado diiwaan galinta ciidamada si dowladahooda loogu sii war galiyo bixitaankooda, kuwaa oo iminkaba ku diyaarsan magaalada Muqdisho.

Ilaa Kun askari oo ka mid ah howlgalka AMISOM ayaa bisha soo socota ka bixi doona Somalia, iyadoo lagu wado in qeybta ugu horeysa ee ka bixi doona Somalia uu bixitaankooda noqon doono todobaadkan hadda bilowday.

Richard Karimere oo ah Afhayeenka Ciidamada Milateriga Uganda, ayaa sheegay in ilaa 281 askari oo u dhashay Uganda, qeybna ka ah 1,000 askari laga soo saari doono Somalia horaanta todobaadka hadda dhalanaaya.

Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in bixitaanka ciidamadooda ay fursad u noqon doonto ciidamada dowlada oo iyagu la wareegi doona amaanka Somalia.

Waxa ay tilmaameen in Somalia ay heysato ciidamo ku filan keliya dowlada Somalia laga doonaayo inay bixiso xuquuqda ciidamada si ay ugu filnaadan amaanka Somalia.

Dhinaca kale, Cutubkii u horeeyay Ciidamo ka socda Uganda ayaa Somalia yimid sanadkii 2007, waxaana ay Soomaaliya ka howl galayeen muddo 10 sano ah, iyadoo aan horumar muuqda laga gaarin howlgalka nabadeynta Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com