Puntland oo mar kale ku celisay haddal caqabad ku noqday ganacsatada maamulka

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa mar kale ka hadlay canshuur la sheegay in lagu kordhiyay Ganacsatadda dekedda Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wasiirka wasaarada Dekedaha iyo Gadiidka badda maamulka Puntland Siciid Maxamed Raage, ayaa sheegay in canshuur kordhinta ay tahay mid aan badneyn, isla markaana ay awoodi doonaan Ganacsatada.

Waxa uu sheegay inay dib u habeyn ku sameeyeen hanaanka Canshuurta, taa oo uu ku sheegay inay tahay mid uu ka maarmi waayay maamulka.

Waxa uu Wasiir Siciid Maxamed, intaa ku daray in Canshuurta laga qaadi doono cid walba oo ay usoo degto alaab, waxa uuna cadeeyay in laga qaadi doono lacag lagu jaan gooyay tanka alaabta iyo Cabirkeeda.

Waxa uu tilmaamay in Dekada lagu sameynaayo dhismo casri ah, sidaa aawgeed la doonaayo in Ganacsatada laga qaado lacago aan badneyn oo uu ku sheegay Canshuur.

Dhinaca kale, maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Boosaaso waxaa ka jiray isku soo baxyo dadka qaarkood ay ku sheegayeen in ganacsatadda dekedda la saaray canshuur aysan awoodin, taa oo ugu wacan in Puntland ay mar kale ku adkeysato kordhinta Canshuurta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com