Goormee ayuu Kheyre Khudbad ka jeedin doonaa Shirka Qaramada Midoobay?

New York (Caasimadda Online) – MuqSida uu jadwalku yahay, maalinta Jimcaha ayey ku aadan tahay khudbadda Soomaaliya, waxaana halkaasi khudbadda Soomaaliya ka soo jeedin doona Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Wafdiga ra’isul wasaaraha ee fadhiga ku sugan waxaa ka mid ah:  wasiirka arrimaha dibadda Yusuf,  Danjire Cabdiraxmaan Caynte iyo Danjire Cawaale Kulane, mas’uuliyiintan waxaa ay goobta  kulamo-doceed kula yeelan-doonaan qaar ka tirsan wufuudda ka socota 193 dal ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa.

Waa sanadkii 2aad ee kulankan uu ka baaqanayo madaxweyne Soomaaliyeed, sanadkii hore waxaa Muqdisho u matalayey wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaam Hadliye.

Ra’isulwasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu ka hadlo khudbo badan oo xasaasi ah oo ku saabsan Soomaaliya iyo xaaladaha ay hadda ku jirto iyo sida loo wajihi karo in xal laga gaaro dhibaatada dhulka dhigay dalkaan mudada 20 sano dagaalka ka socoday.

Waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa allah Khudbada Kheyre oo aan idin kaga soo dhigi doono Af-Soomaali Inshaa Allah.