31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Mareykanka oo shaaciyey qorshe sir ah oo xulufada Sacuudiga ay ka damacsanaayeen Qatar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington DC (Caasimada Online) – Bloomberg News,  waxaa lagu daabacay in dalka Sacuudiga iyo xulafadiisu ay ku fakireen xal militari in ay ku turaan Amiirka dalka Qatar Tamiim.

Weriyeha Bloomberg ee aqalka cad waxaa ay sheegeysaa in Madaxweynaha Mareykanka Trump uga digay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka in ay xoog ku badalaan maamulka Doxa.

Sida warbixinta lagu qoray Aqalka cad waxaa uu ku wargeliyay dalalkaasi in tuurista Taamiim ka dhalan karto fowdo ku fiddo bariga dhexe.

Talaadadii waxaa magaalada New York ku kulmay Trump iyo Tamiim waxaa ay ka wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa xiisadda khaliijka.

Amiirka Qatar ayaa shalay khudbadiisa ku sheegay in Kuwait dhex-dhexaadinteeda ay keentay in dalalkaasi ka baaqsadaan faragelin militari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News