Taraafikada oo laga dukaamyasan la’ yahay wadada Makka Al Mukarama.

Mudo dhowr bilood laga joogo waxaa la joojiyey in Gawaarida la dhigto wadada Maka Al Mukarama si looga hortago qarxyo halkaasi ka dhaca, si kastaba intii lagu jirey xanibaadda lagu soo rogoy noocada kala duwan ee gaadiidka waxaa wadadan ka dhacay dhowr qarax waxaana dhinaca kale lagu guulaystey in la fashiliyo laba ilaa sedax gaari oo walaxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay wadada hareeraheeda, iyadoo sidaasi jirto ayaa hadana ilaa iyo hadda waxaa la maarayn la’ yahay sidii ay isu fahmi lahaayeen Ciidanka Ilaalada Wadooyinka iyo Milkiilayaasha Gawaarida oo siyaabo kala duwan uga dukaamaysta mehradaha Ganacsi ee ku teedsan wadada  Maka Al Mukarama,

Sheekooyinkan waxay ka dhaceen wadada maka Al Mukarama:-

Waxaan kusoo baxay meel lagu xoonsan yahay waxaan is lahaa ugu yaraan shil ayaa ka dhacay, sheekadu sidaas ma ahan ee waxaa isku dhegan sarkaal ka tirsan shirkadda Dahab Shiil iyo Tarafiko, waxaa la isku hayaa baabuurka waa la jiidayaa iyo la jiidi maayo, waxaan mid goobta iiga soo horeeyey waydiiyey mashaqada meesha taala, waxa uu yiri. “Ninka baabuurka iska leh ayaa ku soo baxay iyadoo gaarigiisa la jiidi rabo, dabadeedna waxa uu yiri “Waan kaxaysanayaa ee raali ahaada” ilaa iyo hadana waa la is mari la’ yahay”. Arinta layaabka lihi waxa weeye Tarafikadii waxay leedahay gaarigaan Xarunta Taraafikada ayaa la gaynayaa,  Milkiinihiina  waxa uu leeyahay Gaarigayga la jiidi maayo  sababtoo ah haddii uu jiro  sharci aan jebiyey waxaan ogolahay in halkayga laygu ganaaxo.

Markay halakaas sheekadu marayso ayaan ka tegey, waxaan uga sheekeeyey Asxaabtaydii fadhiga, mid  baa soo boodey waxa uuna yiri. “Sheekadaadu waa loo qaateen oo waxaa ninka lagu haystaa gaariga waa aad ka maqnayd, laakiin anigu waxaan arkay nin wata Mooto Bajaaj oo ka degey doonayana in uu galo Shirkadda Hormuud Tre-Piano oo nin Tarafiko ahi leeyahay fadlan haka deign Mootada, hadaad ka degtana waan jiidayaa” Wadihii Mootada ayaa yiri. “Saaxiib lacag ayaan kasoo sarifanayaa Hormood ee wax yar ii dul qaado, waana laga diidey, ninkii Mootada oo jeesjeesanaya ayaa bartii ka dhaqaajiyey”.

Mid kalaa hadlkii qaatay waxa uuna yiri. “War nimanyahow waa la yaaban yahay sidii loo diidey in baabuurta la dhigto wadada Maka Al Mukarama” ninkii waa sii hadlay oo waxa uu yiri. “War maka haysaan maqaayahan ku teedsan Wadada gawaarida loo diidey in aanu jirin ruux ka qadayn kara oo baabuur wata” waa la qoslay  waxaana la waydiiyey waxaa dhacay?, waxa uu yiri. “Taraafiko ayaa khadyaan laga taagan yahay oo maba ogolo in gaadiidka laga dego” waxaa la waydiiyey sida ay yeelaan dadka wata gawaarida cad-cad ee doonaya iney Maqaayadaha galaan? Isagoo dhoola cadynaya ayuu  yiri. “Safaari ayey ku qaataan kadibna guryahooda  ama guryaha saaxiibadood ayey ku cunaan” Waa arin fajiciso ah haddiiba in la qadeeyo la isu diidan yahay!!.

Mid kalaa farta taagtey waxa uuna yiri. “Waxaan maalin dhowayd arkay nin Taraafiko ah nin wata Gaari raaxo oo murmaya, wax yar kadib ninkii baabuurkii waa uu Baakimey waxa uuna galay Bangiga IBS, daqiiqado kadibna markii uu soo baxay oo uu damcay inuu gaarigiisa kaxaysto waxaa qori amaankiisu furan yahay  ku qabtay ninkii Taraafikada ahaa oo ay markii hore murnayeen isagoo leh ha dhaqaajin baabuurta hadaad naftaada rabto”. Sheekeeyihii oo hadlkiisa si wata ayaa yiri. “Waa lagu soo baxay, waxaana lagu guulaystay in Taraafikadii la xiro amaanka Qorigiisa kadibna waxaa bilowday wadahadal, waxaa la yaab lahayd in meel la dhigo la waayey ninkii taraafikada ahaa oo waxa uu leeyahay waan dilayaa diyadiisana waa bixinayaa” ninkii sheekada wedey ayaa ku soo gunaanadey “Waxay ahayd dhacdo la yaab leh hadii la waydiiyo waxa uu bi’iyey Milkiilaha baabuurku waxa uu taraafikadu ku leeyahay waa edeb daran yahay, aakhirkii tarafikadii waa la isugu tegey waxaana la diray isagoo caga jiid ah.

NB. IN ARINTAN XAL LOO HELO WAA LAMA HURAAN. !!!!!.

WQ.Cabdinaasir Xersi Iidle

Mail. Naasirx1@gmail.com

Tel. 00252-615503978.