Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Axad ah shaaciyay, xilliga laga dooddi doono mooshinka laga keenay Raysal Wasaare Saacid, kaasoo maanta loo qaybiyay mudanyaasha baarlamaanka.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in muddo shan cisho ay heestaan baarlamaanka in ay ku soo akhriyaan mooshinka laga keenay Raysal Wasaaraha, waxaana la filayaa in maalinta Sabtida ee toddobaadka dambe laga dooddi doono.
Kulanka maanta oo saxaafadda loo diidday in ay goobjoog ka noqdaan waxaa la sheegay in oo ay ka soo qaybgaleen 211 mudane .
Guddoomiye Jawaari ayaa fadhiggii maanta ka sheegay in lagu soo wareejiyay mooshin laga keenay xukuumadda uu hoggaamiyo RW Saacid , wuxuuna caddeeyay in ay soo gudbiyeen 165-mudane.
Si kastaba, kulanka inta uu socday buuq iyo muran ayaa ka dhacay, taasoo markii dambe keentay in la soo gabagabeeyo.
Markii uu kulanka soo dhammaaday, ayaa waxaa kulamo gaar gaar ah xarunta golaha shacabka ku yeeshay mudanayaasha baarlamaanka kuwaasoo kala taageerayay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

