Muqdisho ( Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo dhammaaday kulankii baarlamaanka Soomaaliya uu ku lahaa xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Shirka oo ay saxaafadda bannaanka ka joogtay,marka laga reebo Raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari, waxaa uu ku dhammaaday buuq iyo qaylo sida ay noo sheegeen xildhibaanno ka qaybgalay.
Sida qorshaha uu ahaa waxaa loo ballansanaa in loo qaybiyo mudanayaasha mooshin laga keenay Raysal Wasaaraha Soomaaliya, balse dhowr saacood oo buuq uu ka socday xarunta golaha shacabka , waxaa guddoomiyaha Baarlamaanka uu go’aan ku gaaray in shirka maanta uu dib ugu dhacay ilaa Sabtida soo socoto, fadhiggan uu xiran yahay.
Si dhab ah looma oga wax yaabaha keenay in fadhigga maanta oo ay joogeen xildhibaannadii ugu badnaa in dib loo dhiggo.
Warar lagu kal soon yahay ayaa muujinaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu laali doono mooshinka laga keenay RW Saacid.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

