31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Dowladda Kenya oo si jees jees leh u diiday codsi uga yimid Soomaalida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa gaashaanka u daruurtay codsi ay qaxootiga Soomaalida ee ku nool xeradaha Dhadhaab ku dalbadeen in muddada saddexda sano ah loo kordhiyo inta ay sii joogayaan halkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph ole Lenku oo shaley booqday xerada Dhadhaab oo martigalisay Nus-Malyiin qof oo Soomaali ah ayaa sheegay inaan laga noqon doonin go’aanka ay bishan kala saxiixdeen Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku warigaliyay hay’adaha gargaarka ee ka howlgala xeryaha qoxootiga inay u guuraan gudaha Soomaaliya, si ay u caawiyaan qaxootiga noqonaya.

Wuxuu ayaa ku celceliyay inay tahay waqtigii ugu wanaagsanaa ee ay guryahooda ku noqon lahaayeen, isla markaana ay ka qaybqaadan lahaayeen dib-u-dhiska dalkooda.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegay inta aan la saxiixin heshiiskan in ay ka fikireen dowladda Kenya, wuxuuna sheegay in Kenya ay qaati ka taagan tahay qoxootiga Soomaalida.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay weerarkii bishii September lagu qaaday suuqa laga dukaameesto ee Westgate waxaa soo baxay Kenya in aysan diyaar u ahayn in ay sii joogaan qoxootiga Somaalida dalkeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News