Goorta ay dhaceyso doorashada madaxweyne ee SOMALILAND oo si rasmi ah loo shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay magaalada Hargeysa ku yeesheen Gudiga Doorashadda Maamulka Somaliland ayaa waxaa goordhow lagu shaaciyay goorta ay dhaceyso doorashada Maamulka.

Gudiga ayaa sheegay in Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda Somaliland ay dhici donan 1-da Bisha June ee Sanadka Dambe 2016ka.

Gudiga ayaa sheegay in iminka ay socdaan dadaaladii lagu diyaarin lahaa Sanduuqyada cod bixiyayaasha, waxa ayna intaa ku dareen inay wadaan tiro koobyo lagu xaqiijinaayo dadka ku nool Degmooyinka si looga feejignaado muran ka dhasha codadka.

Dhanka kale, waxaa go’aankaasi soo dhaweeyay Hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Wadani iyo Ucid oo dhinaca kalese ka digay in Xukuumadda Siilanyo ay korosato waqtiga marka la gaaro Xilliga Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com