Goorta uu billaabanayo wajiga ugu xooggan ee dagaalka Al-Shabaab oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga uu dalka ka billaabanayo wajiga labaad ee ugu xooggan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka yihiin dalalka safka hore.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo la hadlay VOA ayaa sheegay inuu socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee howl-galadaasi uga billaaban lahaayeen dalka, islamarkaana uu qorshaha yahay inay billowdaan bisha Ramadaan.

“Waxaa jira diyaar-garow adag oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhamaan ciidamada kale ee howl-galada ballaaran inta lagu guda jiro bisha Ramadaan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Guutaale ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rejo wanaagsan ka qabaan in wajiga labaad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu noqdo kii dalka guud ahaan looga xoreyn lahaa kooxda, oo ayadu weli gacanta ku haysa deegaano muhiim ah.

“Howl-gallo xoog leh oo baaxad leh ayaa la rabaa in la qaado Ramadaanka, waxaa u rajeynayaa in ciidamada guul Ilaahay siiyo. Sidoo kale waxaa rajeynayaa in Ramadaankan uu noqdo Ramadaankii Khawaarij iyo Soomaaliya u kala dhamaan laheyd.”

Dalalka safka hore ayaa bishii hore magaalada Muqdisho ku saxiixday heshiis iskaashi, kaasi oo dhigayay “in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole xooggan oo lagu burburinayo Shabaab.”

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamadii ugu horeeyay toddobaad kahor usoo dirtay Soomaaliya.

Dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS, kuwaasi oo la filayo inay dhawaan soo gaaran dalka.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in lasoo afjarayo Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug iyo HirShabeelle, islamarkaana wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ay dowladdu ka bilaabi doonto maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilligaasi sheegay in dagaalkaan laga soo bilaabi doono xadka Itoobiya, isla markaana la wedi doono ilaa badweynta Hindiya, si loo dhameeyo Shabaab-ka dhulkaas ku sugan.

“Siyaasadda dwoladda maanta waa in dalkaan Shabaab laga xoreeyo, waxaan rabaa in gaarigii Baydhaba ka soo baxa uu si nadiif ah Xamar u yimaado, hadaan Shabaab ka xoreyno uma ogolaa doono tuug isbaari taagan, waa balan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.