Maxkamadda G/Banaadir oo soo saartay digniin ku socota dadka Muqdisho ee weli…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta dadka weli xoogga ku haysta dhulalka aysan laheyn, kadib tallaabo ay qaaday maanta.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa maanta ku wareejiyay dadkii lahaa dhul ku yaalla degmada Wadajir, kaasi oo sanado loo haystay si sharci darro ah, iyada oo sidii qasabka aheyd ay maxkamadda u fulisay xukunkaan oo muddo soo jiitamayay.

“Hadda kadib waxaa socon doona fulino qasab ah oo isdaba-joog ah oo ka socon doona magaalada, xilligaan wixii ka dambeysa qofka markuu xaqiisa yeesho wuxuu heli doona xaquuqdii ay maxkamadaha u xukumeen,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.

“Waxaa uga mahad-celinayna Booliska gobolka Banaadir oo qeyb ka ah sugitaanka amniga iyo qabsoomida hawshaan, ayaga oo qaadanaya amarka maxkamadda fuliyay burburinta dhulkaan oo maanta u taaganahay in aan ku wareejino Maxamed Cabdiraxmaan oo wakiil u ah loo fuliyaha.”

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dadka dhul ay maxkamad xukuntay iska haysta inay sida ugu dhaqsaha badan ugu hogaansamaan sharciga, haddii kale ay maxkamadda si qasab ah ku fulin doonto, sida maanta dhacday oo kale.

“Dadka caadeystay ama dad inta dhulka laga xukumay haddana iska haysta xilligaan wixii ka dambeeya majiri doonto. Maxkamadduna tallaabada sharciga ee waafaqsan ka hor imaanshaha fulimadaas ay qaadi doonto.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa farriin u diraya dadka xukunada haysta ee dhahaya dhulkii nalooma fulin waa in maxkamaddaha imaadan. Maxkamaddaha waxay u tafa-xaydatay in fulinadaas ay si camali ah ugu wareejiso dhulkooda.”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in maxkamadda gobolka Banaadir ay ka go’an tahay meel-marinta xukunada hore u dhacay ee dhulalka, kuwaasi oo waqti badan qaatay inay dhaqan-galaan, balse xilligaan ay meel-marinayaan iyaga oo adeegsanaya awooda ciidanka Booliska.

Hoos ka daawo