DF Somalia oo soo saartay go’aan culus oo saameynaya isbitaallada iyo dhaqaatiirta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya aya soo saartay war-gelin lagu ogeysiinayo bulshada in la xakamey doono daawooyinka qaar, kuwaas oo la ogaaday in dadka qaar ay u isticmaalaan hanaan qaldan, iyagoo ka dhigtay maan-dooriye ama balwad.

Qoraal dheer oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in daawooyinkaas ay dadka Soomaaliyeed ee qabatimaha u geysan karaan dhibaatooyin caafimaad, sidoo kale waxaa la ogaaday in daawooyinkaan ay ka qeyb qaataan amni darrada.

Wasaaradda ayaa ku amartay isbitaallada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay soo diraan dhakhaatiir loo tababaro sida loo xakameynayo daawooyinkaas.

Sidoo kale khatarkii ama isbitaalkii ka hor yimaada go’aanka wasaaradda waxaa loogu hanjabay ganaax ama xabsi, iyadoo la cuskanayo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda oo dhameystiran:

Ayadoo laga duulayo waxyeelada caafimaad darro iyo midda amni ee ka dhalata si xun u isticmaalka daawooyinka ay tahay in la-xakameeyo, kuwaas oo maanka iyo dhimirka saameeya, ayaa Wasaaraadda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey soo rogtay go’aano iyo awaamir lagu xaqiijinayo hubinta caafimaadka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.

Iyadoo la raacayo sida ku cad Sharciga mihnadlayaasha Qaranka Lr.31 Qodobadiisa 24aad, 25aad, 26aad iyo 27aad, waxaa si ku meelgaar ah loo diiwaangelinayaa dhaqtarka qori kara daawooyinka la xakameeyo iyo dawayaqaanka bixin kara daawooyinkaas.

1) Si looga hortago si xun u isticmaalka Daawooyinka la xakameeyo (controlled Substances), Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay faraysaa dhammaan Istibaalada Danta Guud iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ee dalka, inay soo gudbiyaan ugu badnaan liiska 5 dhaqtar oo leh takhasus iyo waayo aragnimo dhan 5 sano, kadib dhaqtarkii buuxiya shuruudaha lagama maarmaanka u ah, Wasaaraddu waxay siin doontaa diiwaangelin ku meel gaar ah ee laxiriirta qorista daawooyinka la xakameeyo si waafaqsan nidaamka qorista daawooyinkaas (controlled Substances license).

Hadaba, dhaqtarkii qora Daawooyinka la xakameeyo asigoo aan haysanin diiwaangelinta qorista Daawooyinka la xakameeyo, waxuu galay fal Dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo, si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla.

Sidoo kale Dhaqtarkii qora xaddi ka baxsan intii loogu talagalay daaweeynta xanuunka uu ka cabanayay bukaanka, kuna cadaato inuu u siiyay bukaanka dana kale, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla.

2) Si loo hubiyo bixinta iyo keydinta daawooyinka la xakameeyo, waa in Isbitaal kasta soo gudbiyaa labo Dawo-yaqaan ama labo xirfadle oo aqoon durugsan u leh bixinta iyo keydinta daawooyinka ubaahan in la xakameeyo, kadib marka ay soo buuxiyaan shuruudaha laga rabo wasaaraddu waxay siin doontaa diiwaangelin kumeel gaar ah.

3) Si loo xaqiijiyo keydinta daawooyinka ay tahay in la xakameeyo waa in farmashiyaha ku yaala gudaha Isbitaalka uu lahaadaa qaanad leh quful iyo fure gaar ah oo ay masuul ka yihiin labada dawayaqaan ee u diiwan gashan Isbitaalka.

4) Dawa-yaqaanka ka shaqeeya farmashiyaha ku dhax yaalla Isbitaalka, waa inuu diiwaan geliyaa dhammaan daawooyinka la xakameeyo ee uu siiyay bukaanada loo soo qoray, si cadeynteeda looga heli karo markata oo uu kormeer u yimaado, haddii wax isdaba marin ah lagu arko, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala.

5) Qofkii lagu arko daawooyinka la xakameeyo, asigoo aan haysan rajeeto uu soo qoray dhaqtar ruqsad u haysta qorista daawooyinkaas, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala.

6) Dhammaan ganacsatada keenta daawooyinka ay tahay in laxakameeyo, waa inay ruqsadda khaas ah ka qaataan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, DFS.

  • Hadaba Ganacsadihii soo dajiya ama dhoofiya daawo kamid ah daawooyinka la xakameeyo asigoo aan ruqsad ka haysan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DFS, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala. 7) Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay mamnuucday in lagu iibiyo dhammaan daawooyinka la xakameeyo (controlled Substances) farmashiyayaasha tafaariiqda gada ayadoo aan oggolaansho laga haysan wasaaradda, laga bilaabo 21/04/2023.
  • Hadaba farmashiyihii lagu arko asagoo gadaya daawooyinka la xakameeyo, asigoo aan oggolaansho ka haysan wasaaradda, waxuu galay fal Dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala.

Wasaaradda Caafimaadka waxay ku wargelinaysaa dhammaan Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulaka Gobalka Benadir inay meelmariyaan wargelintaan iyagoo la kaashanaya hay’adaha amniga iyo ku Caddaaladda heerarkooda kala duwan si loo hirgeliyo wargelintaan oo muhiimd u ah ilaalinta Caafimaadka, iyo amni darrada bulshadeena ka haysata si xun u isticmaalka daawooyinka ay tahay in la xakameeyo ee maanka dooriya.