Daawo: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag wajahaya eedeymo culus, gubayna…

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa galabta soo bandhigay natiijada howlgallo ka dhan ah maan-dooriyaha oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen dhowr degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay inay soo qabteen maan-dooriye badan iyo rag ku eedeysan inay ka ganacsadaan daraagiska.

Afhayeenka oo galabta warbaahinta kula hadlay degmada Kaaraan ayaa soo bandhigay juwaano ay ku jiraan waxyaabaha maanka-dooriya oo la gubay, kuwaas oo isugu jiray Calaq, Xashiish, Qamri iyo daawooyin loo isticmaalo maan-dooriye ahaan.

“Kalkaan waxaa marqaati ka tihiin inaan ku gubeyno lix juwaan oo Xashiish ah, calaq caagado ku jira iyo kaniiniyo ay isticmaalayeen kooxdaan,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in dembiyada ugu badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ay geystaan dadka isticmaalaha waxyaabaha maanka-dooriya.

“Intii ay ciidanku ku jireen howlgalka waxaa la soo qabtay eedeysanayaal gacanta kula jiray muqaadaraadkaan, saldhigga Kaaraan ayaa lagu soo xiray rag ku eedeysan inay faraha kula jireen waxyaabahaan maankadooriya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale booliska ayaa shirkaan jaraa’id ku cadeeyey inay si gaar ah u beegsa doonaan dadka beerta Xashiisha iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya.

“Howlgalkaan wuxuu saamey doonaa dadka beera Xashiish, dadka soo daabula iyo dadka ka ganacsada, sidoo kale dadka isticmaala ayuu saameynayaa howlgalkaan,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Hoos ka daawo