Wasiir balan-qaad culus u sameeyey gabadhii soo bandhigtay murugada haysata

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsatay sheekada gabar shaqo doon ah oo boor ku soo qoratay “Walaal Shaqo isii” taas oo dhalisay hadal-heyn badan.

Warbaahinta Qaranka ayaa sii deysay warbixinta gabadhaas oo lagu magacaabo Iglan Cabdullahi Axmed, waxaana codsigeeda ka soo jawaabay wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya.

Sheekada gabadhaan ayaa dareen laheed waxayna sheegtay inay hooyadeed iyo walaalkeed ay Al-Shabaab qarax ku dileen, isla markaana ay koriso afar carruur ah oo waalid la’aan ah.

Wasiirka dhalinyarada Soomaaliya Maxamed Barre ayaa deg deg uga soo jawaabay codsigii gabdhaan shaqo doonka ah, wuxuuna ka balan qaaday inuu shaqo siinayo, isagoo amray in berri oo Talaado ah laga shaqaaleysiiyo wasaaradda dhalinyarada.

“Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo dalka dibaddiisa safar shaqo ugu maqan ayaa ka jawaabay  baaqa Iglan Cabdullaahi Axmed isagoo isla maanta amray waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha in la hawlgeliyo gabadhaas Soomaaliyeed oo lagu qoro boos darajada labaad (B) ee shaqaalaha Kumeel gaarka ah ee gunnada qaata,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda.

Sidoo kale wasiir Maxamed Barre ayaa ballan-qaaday in muddo kooban gudaheed  marka ay tababarrada dhamaysato Eglan loo dalacsiin doono darajada (A) oo ah heerka ugu sareeya ee shaqaalaha rayidka ah.

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha ee XFS ayaa sheegay inuu xil ka saaranyahay guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo cadeeyay in awoodda wasaaradda ee wax ka qabashada shaqo la’aanta dhallinyarada ay koobantahay, laakiin kiiska Eglan oo dad badan dareenkooda dhaqaajiyay, isla markaana masuul ka ah walaalaheed ka yar yar ay xil gooni ah iska saarayaan.

Eglan Cabdullaahi iyo qoyskeed ayaa ka mid ah dhibanayaasha  weeraradii argagixiso ee dalka ka dhacay, iyadoo ku wayday Waalid iyo walaal.

Gabadhaan ayaa warbixintii laga diyaariyey ku sheegtay in Hooyadeed iyo wiil la dhashay ay ku dhinteen qarax ay Al-Shabaab ka fuliyeen Mall-ka Xamarweyne, maalmo ka hor waxay dowladdu toogatay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga oo qaraxaas geeyey goobta.