Guddi dhex-dhexaadinaya FARMAAJO iyo MURSAL oo lagu dhawaaqay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xashi Cabdillaahi ayaa magacaabay guddi billaabaya xalinta khilaafka u dhaxeeya madaxda Dowladda, si gaar ahna madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa ka kooban 7 Xubnood oo laga soo xulay Xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana ay xal u raadinayaan khilaafka maalmahaan ka dhexjira madaxda ugu sareysa dalka.

Xoghayaha Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare markii uu u kuur galay xaalada cakiran ee siyaasadeed ee dalka in uu magacaabay Guddigaas.

Waxa uu sheegay in guddigaads uu guddoomiyaha Aqalka Sare ugu kalsoon yahay in ay xal waara ka gaara khilaafka Madaxda Dowladda,iyada oo aysan noqon kuwa dhinac raaca.

Magacaabista guddigan ayaa imanaysa, ayada oo Mursal uu maanta wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in xildhibaanada keenay mooshinka ay yihiin kuwa xal raadinaya, oo aan dooneyn inay wax dumiyaan, islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay baarlamanka wax ku saxaan.

Mar wax laga weydiiyey inay is-arkeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka hadleen mooshinka, waxa uu sheegay in baarlamanka uu ka madax banaan yahay hay’adda fulinta, sidaas darteedna uusan u baahneyn inuu mooshinka kala hadlo.

Daawo Xoghayaha Golaha Aqalka Sare