Guddiga baarlamanka ee maanta la magacaabay oo loo qabtay ilaa 17-ka May

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo kala gooni-gooni ah oo ay maanta yeesheen waxay iska soo xuleen guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga oo ka kooban 17 xubnood ayaa 10 kamid ah waxaa iska soo dhex xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay soo xuleen xildhibaannada Aqalka Sare, halka Xubinta 17-aad uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Doorashada Xubnahaan ayaa waxaa looga fadhiya qorshihii lagu dooran lahaa madaxweynaha muddo kooban, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Xidig ayaa sidoo kale sheegay in Xubnahaan laga rabo inay keenaan habraaci iyo wax walba oo ku aadan doorashada, ka hor 17-ka bishaan, taasi oo ku siman wax ka yar labo toddobaad.

“Waxaa looga fadhiya inay la yimaadan qorshihii iyo habraaci lagu dooran lahaa madaxweynaha, marka taas ayuu guddiga ka shaqeyn doona,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

“Sababta aan u dadajinayno waa in si wadanka uusan dib ugu noqon tallaabooyinka uu soo qaaday. Guddiga awood gaar ah malaha waa in kaliya uu habraaca iyo xeer hoosaadka ku dhaqmo oo hoolka doorashada abaabulo.”

Xildhibaan Xidig ayaa ugu dambeyntiina sheegay in uu ka xun yahay in gobolka Gedo uusan metelaad laheyn, maadama xubno is-khilaafsan ay kasoo baxeen gobolkaas, taasi oo dhawaan xal laga gaari doono khilaafkaas.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa go’aanka u dambeeya ka qaadan doona isqab-qabsi xubnaha uu ka taagan yahay, ayada oo maanta qaarkood ay ku sugnaayeen kalfadhigii golaha, oo aan laga saarin.