Burundi oo shaacisay tirada looga dilay weerarkii Shabaab iyo kuwa nolosha lagu watay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi ayaa ka hadlay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Bara fee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saldhigga ayaa waxaa dagaal xooggan oo lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, ayada oo kooxda Al-Shabaab ay gebi ahaan cagta marisay.

Sarkaalkaan oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in weerarkaas ciidamada Burundi looga dilay 30 askari halka uu sheegay in dhaawaca uu gaarayo illaa 20.

Sidoo kale, sarkaalkaan ayaa sheegay in nolol iyo geeri lagu la’yahay tobanaeeyo kale, waxayna xogta la helay sheegeysaa in kooxd Al-Shabaab ay nolosha ku wadatay 15 askari oo ka tirsan kuwa ciidamada Burundi.

Ciidamada AMISOM ayaa u diray diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah kadib weerarkii subaxnimadii hore ee shalay lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi oo ku dhow deegaanka Ceel-Baraf.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ku dhawaad 400 oo dagaalyahano Al-Shabaab ah ay gudaha u galeen saldhiga kadib markii ay qarxiyeen labo baabuur oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya jab xoog leh oo ciidanka ATMIS qeybtiisa Burundi ee fadhigoodu ahaa degaanka Ceel-Baraf ay u geysteen, kadib weerar culus oo waaberigii hore ee shalay ay ku qaadeen.

Sidoo kale hoggaanka sare ee Al-Shabaab ayaa dadka ku nool degaanka Ceel-Baraf iyo hareerihiisa waxay ku fasaxeen inay qaataan agabkii yaallay xerada ay kala wareegeen ciidamada Burundi oo aad loogu laayey gudaha iyo hareeraha xerada.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin Al-Shabaab.