Guddiga doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo kala gooni gooni ah oo ay Maanta yeesheen waxaa ay iska soo xuleen guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga oo ka kooban 17 xubnood ayaa 10 ka mid ah waxaa iska soo dhex xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay soo xuleen xildhibaannada Aqalka Sare, halka Xubinta 17-aad uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddigan ayaa waxaa ay diyaarin doonaan qorshihii lagu dooran lahaa Madaxweynaha muddo kooban, waxaana magacyada 17 Xubnood ee guddiga ka kooban yahay ay kala yihiin.

Xubnaha ka socda Golaha Shacabka ayaa waxaa ay yihiin.

1- Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.
2- Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
3- Xildhibaan Nuur Mustaf Mukhtaar.
4- Xildhibaan Beerey.
5- Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimuu.
6- Xildhibaan Maxamed Caananuug.
7- Xildhibaan Cumar Yuusuf.
8- Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

Saddex Xubnood ayaa ka dhiman Xubnaha Guddiga ee ka socda Golaha Shacabka, wuxuuna Guddoomiyaha sheegay inay soo dhameystiri doonaan illaa caawa.

Dhinaca kale, Aqalka Sare ayaa maanta yeeshay kalfadhiga koowaad kulankiisa afaraad kaas oo ay uga hadlayeen dhismaha iyo Ansixinta Guddiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu wado doorashadiisa in ay dhacdo bishan.

Kulanka Golaha ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Senenatar Cali Shacbaan Ibraahin iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).

“Sida sharciga ah oo xeer hoosaadka dhigayo magacaabista guddiga waxaa leh guddoonka, balse Golaha waxaa ku jira 39 xubnood oo cusub kuwaas oo aan xeerarkaas la socono sidaas ayaana u ogolaanay inay Golaha iska soo saaraan,” ayuu yiri.

Halkaan hoose ka akhriso xubnaha la magacaabay

1- Cali Maxamuud Gacal (Koonfur Galbeed)
2- Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar (Somaliland)
3- Cabdiqani Geelle Maxamed (Puntland)
4- Farxaan Cali Maxamuud (Galmudug)
5- Ibraahim Awgaab Cusmaan (Jubbaland)
6- Samsam Cabdullaahi Axmed (HirShabeelle)