25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Arrin BADDA SOOMAALIYA looga bad baadin karo Kenya oo lasoo jeediyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo laga codsaday in uu Guddiga cusub ee dib u eegidda DASTUURKA u gudbiyo Xeerka Law no 37 si looga dhigo dastuuri

Haddii si cad naloo dhaco oo boobka la sharciyeesto, calaacal iyo qeylo iyo mudaharaad waxba inooma tari doonaan ee hadda inta goori goor tahay aan gacmaha isqabsanno oo aan ka hortagno.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in taariikhdu markey ahayd 15-06-2014 , aan HILTON Hotel ee Den Haag ku booqday Wasiirka Batroolka Soomaaliya Mudane Daa-uud Moxamed iyo Agaasimaha Guud Mudane Farax Cabdi , xilli aay la shireen Shirkadda SHELL.

Fursad fiican ayeey ii ahayd in aan la kulmo Mudane ka tirsan Golaha Wasiirada si aan uga dhaadhiciyo in DHUL-BADEEDKII SOOMAALIYEED uu wali halis ku jiro.

Waxaan u sheegay in damaca waalan oo la rabo in DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED lagu boobo oo jaraaidyada Kenya aay soo qoreen in Dowladda Soomaaliya lagala xaajoonayo aay run tahay..

  • Kenya upbeat on ocean deal with Somalia – Politics and policy …

Waxaan u sheegay in Shirkadahaan hoos ku qoran aay qeeb ka yihiin kuwa ku jira damaca boobka batroolka Soomaaliyeed. Ugu dambeentii waxaan ka codsaday in uu arrintan soo noqnoqoneysa ee boobka batroolka Soomaaliyeed loo gidbiyo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guddiga cusub ee dib u eegidda DASTUURKA.

Sida kaliya oo aan uga badbaadi karno iskudaygaan boobka oo soo noqnoqonaya waa iyadoo sharciga baddanada (LAW no. 37) laga dhigo DASTUURI sida Dastuurka Dowladda Peru oo kale.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in gacmaha la isqabsado oo loo wada gurmado difaaca batroolka Soomaaliyeed, lalana wada xiriiro Xildhibaanada Baarlamaanka si loogu adkeedo arrintan.

Bashir Shekh Moxamed- [email protected]

———————

  • International companies operating in Kenya and the blocks awarded

Kenya waxaay barta Internetka soo dhex dhigtay qariiraddii iyo qoralkii ugu dambeeyay oo aay ku cadyihiin Shirkadaha kusoo xadgudbay Dhulbadeedka Soomaaliyeed…

Source:Ministry of Energy and Petroleum
Operator/Contractor
Block No.Basin Name
Afren/Lion1Mandera
Afren/EAXL17/L18Lamu Offshore
Simba Petroleum2AMandera
Lion Petroleum2BMandera
Vanoil Resources3A/3BAnza
Africa Oil9Anza
Tullow Oil/Africa Oil10AAnza
Tullow Oil/Africa Oil10BA/10BB/12A/13TTertiary Rift
Tullow Oil/Swala Energy12BTertiary Rift
ERHC11ATertiary Rift
Adamantine11BTertiary Rift
NOCK14TTertiary Rift
A – Z PetroleumL1A/L3Lamu Onshore
CAMAC EnergyL1BLamu Onshore
CAMAC EnergyL16Lamu Offshore
CAMAC EnergyL27/L28Lamu Deep Offshore
Imara EnergyL2Lamu Onshore
Zarara/SOHI GasL4Lamu Onshore
Zarara/SOHI GasL13Lamu Offshore
Anadarko/Total/CoveL5/L7/L11A/L11B/L12Lamu Offshore
Flow Energy/Origin EnergyL6Lamu Offshore
ApacheL8Lamu Offshore
Ophir/Dominion PetroleumL9/L15Lamu Offshore
BG GroupL10A/L10BLamu Offshore
Lamu ExplorationL14Lamu Onshore
Rift EnergyL19Lamu Onshore
Pacific Seaboard InvestmentsL20Lamu Onshore
ENIL21/L23/L24Lamu Deep Offshore
TotalL22Lamu Deep Offshore
OPEN BLOCKSL25/L26Lamu Deep Offshore

somken1

Stealing Somalia’s Oil:-
Anadarko: Block L5,Kenya, Anadarko sign oil exploration deal: paper | Reuters
Total: Block L22 ,Total Close to Seal Kenyan Oil Block Deal – Exploration
ENI: Block L21, L23, L24,Kenya issues exploration licences for seven more exploration blocks
Block L26 oo beec loo raadinayo ,oilinkenya.co.ke |
Zarara Oil: Block L13, Update – Swiss Oil Takes Kenyan Blocks L4 and L13 | Petroleum Africa

Xigsho: Somalitalk.com

- Advertisement -

Read more

Local News