DF oo saxiixday heshiis shidaal looga baarayo Puntland iyo P/L oo qeylisay

Garowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa qaadacday heshiis ay DF la gashay Shirkad la yiraahdo Shell oo shidaal ka doonaysa Somalia gaar ahaan Puntland, heshiiskaas ayaana ka dhacay wadanka Netherland.

Agaasimaha macdanta iyo shidaalka Puntland Ciise Maxamuud Faarax Dhoola-waa oo la hadlay BBC ayaa wax laga xumaado ku tilmamay in DF heshiis shidaal la gasho Shirkado shisheeyo wuxuna muujiyay inaysan raali ka ahayn howlaha ay wado Dowladda, xili uu wali go’an yahay xiriirka wada shaqaynta labada dhinac.

Dhoolawaa ayaa sheegay Puntland inay awood u lee dahay inay lasoo baxdo shidaalkeeda iyadoo aan cidna kala tashan, wuxuna wax laga xumaado ku tilmaamay waraysi uu maalinkii shalay BBC siiyay masuul ka tirsan DF oo sheegay inay dib usoo celinayaan wada shaqayntii shikada Shell iyo dowladda Soomaaliya ka dhaxeeyay.

Waxa uu sheegay inuu wax ka khuseeyo wada hadalka DF iyo Shirkada Shell sidaasi darteedna aysan raali ka ahayn xiriir kasta oo DF lasoo samayso Shirkadaha doonaya arrimaha Shidaalka ee Soomaaliya.

Xiriirka Puntland iyo DF ayaa wali go’an waxaana jira wada hadal hoose oo labada dhinac u dhaxeeya taasoo dadka siyaasada Puntland la socda ay sheegayaan in si hoose loo dhameeyay dhamaan arrimihii la isku hayay.

Heshiiskii ay dowladda la gashay shirkadda Shell, ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay awood u leedahay inay dalka usoo saxiixdo heshiisyo, islamarkaana maamulka dalka si dhab ah ayadaay uga dambeeyaan caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com