Sawirro: C/Weli oo Kenya ku amaanay qabsashadeeda Somalia (Nasiib darro)

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa kulan saacado badan qaatay la yeeshay Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Waxay labada hoggaamiye ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee dhinacyada siyaasadda, ammaanka, ganacsiga iyo arrimaha bulshada.

Cabdi Weli ayaa uga warramay Madaxweyne Kenyatta horumarrada siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka socda dalka Soomaaliya, isagoo ammaanay kaalinta ay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kaga jiraan sidii guud ahaan dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad-diidka ah.

Ra’iiusl Wasaaruhu wuxuu Madaxweynaha Kenya uga tacsiyeeyay weerarkii ka dhacay deegaanka Mpeketoni ee Lamu oo lagu qaaday dadka rayidka ah iyo saldhigga booliska.

“Soomaaliya iyo Kenya waa laba dal oo walaalo ah. Waxaa naga go’an inaan sii xoojinno xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan ah ee u dhexeeya labadeenna dal. Waxaan uga mahadcelinayaa dawladda Kenya sida ay noogu garab taagan tahay inaan hagaajinno amniga iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iiusl Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Waxaa nasiib darro ah in Cabdi Weli amaano Kenya, oo dalka Soomaaliya si gardarro ah ku joogta, kuna xasuuqday shacab badan oo Soomaali ah.

Kenya waxa ay xoog ku haysataa magaalada Kismaayo iyo ilaheeda dhaqaale, oo ay wadaag koox ay halkaasi ayada geysatay.

Sawirrada kullanka

cabdi weli uhuru 1cabdi weli uhuru 2cabdi weli uhuru  3cabdi weli uhuru  4

 

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com