Arag Sawirrada: Masjid taariikh cusub sammeeyey oo laga furay DENMARK

Masaajidkii ugu Horeeyay ee Minaaradleh oo Denmark Laga Furay‏

Copenhagen (Caasimada Online) – Waxa Caasimada Denmark ee Copenhagen gaar ahaan xaafadda Somaliada ku badan tahay ee Nørrebro laga furay Masjid Jaamac weyn oo minaarad leh kadib mudo ay muslimiinta wadanka daadal ugu jireen inay helaan meel ay ku dukadaan, Caruutodana Diinta iyo Dhaqanka Islaamka ku baraan.

Dhimaha Masjidkaan ayaa waxa ku baxday deeq dhan $ 27.4m ayadoona ay iska kaashadeen hirgalinta mashruucan Hay`ada Islamic Council deenishka (DIR) iyo Amiirka hore Dowlada Qadar Hamad bin Khalifa Al Thani.

Denmark waxa horay u joogay qiyaastii 226,000 Muslimiinta, kuwaas oo iskugu jiro dadwaaweyn, Dhalinyaro iyo carruur kuwaas oo imadanaayay wadanka ilaa 1960kii . Qaar badan oo ka rajaynaynaa in maalin un ay helidoonan masaajid Jamac weyn iyo xarunta Islamika iyo dhaqanka lagu barto maantana ay ugu dambeyntii maantana ay heleen labaatan sano waxii ay ridanayeen.

Dhanka kale, saxaafadda caalamka ayaa waxay si weyn uga hadleen Masjidkaan iyo isbadalka cusub ee Denmark iyo Islmaaka u dhaxeeyay kasoo xumaaday kadib markii Muslim adduunka ee 2005 ay aad uga caroodeen sawir gacmeedyada nabi Muhammad SCW uu soo bandhigay.

Maxamed al-Maimouni, afhayeenka weyn ee DIR “Tani waa maalin taariikhi ah Muslimiinta ee Denmark iyo waxa ay Fariin aadka u xumeyd ee Islaamka iyo Denmark dhextaalay ay ku baa ba`eyso, Waxaan nahay qayb ka mid ah bulshada oo kuna hanweyn in lahelo Danish Muslim ah.”

Sido kale Al-Maimouni ayaa sheegay in masaajidka, si rasmi ah logu aqoon magacdaridoono Hamad Bin Khalifa Civilisation , Ayana ka soo bixidoonan Danish-Muslim ah.

Ugu danbeentii dadweyanaha Muslimka Ajnabiga ah ee ku nool wadanka Denmark Gaar ahaan Soomaalida ayaa aad u soo dhaweyeen ayaa aado Dhismaha Masjidkaan iyo Sida ay Dowlada hada talada heydo ay fursad u siiyay Dadka Muslimka ah ee ku nool Dalka ay waxbadan ka badalayso xirrirki Wadamada Islaamka iyo Denmark.

Sawirrada masjidka

Masajidka Hamad Bin khalif ee DenmarkMasjid Denmark 1Masjid Denmark 2Masjid Denmark 3Masjid Denmark 4Masjid Denmark 5Masjid Denmark 6Masjid Denmark

Abdikaadir Kaasim “Aqaasim”

Xafiiska Caasimada Online

Copenhagen Denmark