Maxaa calanka SOMALIA looga waayaa kulamada madaxdeena iyo kuwa kale?

By Asad Cabdullahi Mataan

In badan waxaan aragnaa sawiro laga soo qaado madaxda dalka Soomaaliya oo la kulmaya madax wadamo kale oo kaligood la sawiran halka, Madaxda ay la taagan yihiin ay ag tagaan yihiin ama ay hor tagaan yihiin astaanta calanka dalkood ay matalayaan.

Laakiin madaxda Soomaaliyeed waxay iska soo istaagan halka uu qofka ay la kulmayaan istaago ayagoon qiimeyn astaanta  iyo calaamadda dalkooda ay madaxda u yihiin taas oo sawirka ka dhigaysa mid aan macno lahayn qofkii wadani ah dawladnimada iyo astaanta qaran leeyahay macnaha ay leedahay garanayana uu aad u caroonayo. Bal eeg sawirkaan hoose maxaa kaaga muuqda?

IMG_35191-515x343Inta badan marka ay madaxneenu la kulmaan madaxda dalalka aynu dariska nahay calankeena lama soo dhigo qolka ama madasha ay wada fariistaan ama ay wada istaagaan madaxda dalkeena iyo kuwa dalalka aynu dariska nahay qaasatan dalalka Kenya iyo Itoobiya . Waxad moodaa inay madaxduunu arintaas ku baraarugsanayn qiimaha ay u leedahay qaranimada Soomaaliya iyo inaan nahay laba dal oo siman oo isku si u leh calan astaan u ah, xuduud uu adduunku u aqoonsan yahay, iyo madax hogaamisa.

zxzxzx (2)

Waxaan fahmi waayey ma qolada baratakoolka u qaabilsan ayaa aqoon qaabka iyo hanaanka loo diyaariyo kulamada iyo qaab maamuuseedka madaxda loola kulmo, meelaha la kala istaago iyo diyaarinta hanaan sharafeedka.

Calanku waa astaanta nalaku yaqaan  haddii ay sidani dhacdana  waxay la macno tahay madax shaqaalaha uu xukumo la kulmaya oo taasi waxay ka dhigan tahay haddii aan hadda sawirkaan kore eegno in Ra´iisal wasaaraha Itoobiya uu la kulmayo wasiirkiisa Arimaha Dibada ileyn calankeenii meesha kama muuqdee.

Sawirkaani ma muujinayo in madax laba dal ay kulmeen. ma muujinaayo in madaxda dalkeena hooyo ay meesha joogaan. Kaliya waxaa fahmi kara qofkii yaqaana uun un Ra´iisal wasaare C/wali uu Soomaaliya matalaayo. Waxaa ka mid ah qaladaadka maamuus sharafafeed ee ay galaan qolyaha u qaabilsan dhanka hab maamuuska madaxda Soomaaliyeed inay galayaan qaladaad aad u fara badan oo  uu kan oo kale ka mid yahay.

Waxaan hadda ka hor daawaday Ra´iisal wasaarihii hore Mudane Saacid oo booqasho ku tagay dalka Burundhi (Brundi) inay qolyahaa hab maamuuska u qaabilsan ay qalad weyn galeen oo ay qaldeen dharka la soo xiranayo oo ay qasab tahay in ay ka wada hadlaan labada dhinac dadka u qaabilsan hab maamuuka ( Two office of Protocols).

Waxaa dhacday in uu dhacay qalad weyn oo ah habkii uu u soo labistay Ra´iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Saacid inay ahayd mid qalad ah oo ka soo horjeeday hab maamuuseedkii maalintaas lagu diyaariyey guriga madaxtooyada ee dalkaasi Brundi.

Waxay ahayd maalin Sabti ah Maalinta Sabtida ah waxaa caadi ah in dalkaasi Brundi ay dadka dhan soo xidhaan dharka ciyaaraha (Sport cloths ) madax iyo shacabba. Maalintaas waxaa la ciyaaraa ciyaaraha kala duwan si la isku hilmaansiiyo dhibaatadii ka dhacday dalkaas sanadihii sagaashameedyadii oo uu dalkaas iyo dalka ay dariska yihiin ee Rwanda ay ka dhaceen xasuuqyo ba´an oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof oo ka kooban qabiilada Hutuga iyo Tutsiga.

Maalintaas Sabtida waxaa loo asteeyey in dadku ay ciyaaraan oo ay is dhexgal sameeyaan. Haddaba waxaa dhacday in Mudane Saacid iyo wafdigiisu ay ku soo aadeen Maalin sabti ah inay madaxweynaha dalkaas kula kulmaan qasriga dalkaas laga xukumo.

Waxay ahayd in labada xafiis ee hab maamuuseedka u qaabilsani ay wada hadlaan oo ay ka wada hadlaan wax walba sida saacadda la imaanayo, inta qof ee lagu imaanayo, meesha la istaagayo, dhinaca la istaagayo ma midigbaa, mi bidixbaa, iyo dharka la soo xiranayo noocyadooda iyo inta jeer ee dharka la badalanayo iyo wax kastaoo ay xitaa ku jirto cuntada iyo cabitaanka meesha la keenayo, sida haddii aysan rabin in qamri iyo waxyaabo diinteena iyo dhaqankeena ka mabnuuc ah aan meesha la soo saarin.

imagesCANDTSRS

Waxaa sidoo kale muhiim ah in laga wada hadlo calamada iyo qaabka loo dhigayo iyo meelaha ay madaxdu kala istaagayaan, ma booqasho saaxiibtinimaa, ma mid rasmi ahbaa, ileyn mid walba qaab gooni ah ayey leedhay oo isku meel lama wada istaago calamadana madaxdu isku si uma hor istaagaan oo marna waa lays dhaafsadaa marna qof walba calankiisa ayuu hor istaagaaye.

imagesCA9UUXLO

Madaxweynihii Brundi wuxuu soo xirtay dharkiisii Sportiga ( Cayaaraha ) sidii dalkiisa caadiga u ahayd maalinta Sbatida ah. laakiin madaxdeenii waxay soo xirteen dharkii Suudadka madmadoobaa ee loogu talagalay inay soo qaataan marka uu dhigoodu soo qaato, sababtaasna waxaa keenay xafiiskeena hab maamuuska ama (Office of the chief of protocols)  Ayaan si wanaagsan u maareyn hawsha maalintaas ay madaxda dalkoodu qabanayaan.

untitled (18)

Haddaba maxaa qaldan? Ma madaxdaa qaldan mise Shaqaalahoodaan aqoon ku filan lahayn? Maxayse wax ugaga qabal la yihiin qaladaadkaan joogtada noqday oo maalin walba soo noq noqonaya? Waxaa la yiri sac ninkii lahaa saynta ugaga tagaan yahay ma istaago. Taas waxaan ugala jeedaa dawlad ay madaxdoodii qalad dhextaagan yihiin maalin walba ma shaqalihii hoose ayaa saxaya oo toosnaanaya.

Waxaa soo diyaariyey

Ali Hersi

info@somaliteam.com

Sweden