Guddiga doorashada FEIT oo wafdi u diraya Baydhaba maanta – Maxaa isbeddalay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa ku dhowaaqay in subaxa Arbacda maanta ah uu guddi u diri doono magaalada Baydhaba, si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya guddiga iyo maamulka Koonfur Galbeed. 

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa xubno ka mid ah Guddiga u diraya Berri Subax 13.04.2022 Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si xal looga gaadho tabashada Maamulka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga. 

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa qaadacay shahaado siinta xildhibaanada iyo ka qeyb-galka xafladda dhaarta ah ee xildhibaanada cusub oo berri oo Khamiis ah ka dhaceysa teendhada Afisyoone.

Koonfur Galbeed ayaa ka carootay kadib markii saddex ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay deegaanada uu guddiga armay in doorashadooda lagu noqdo, sababo la xiriira inay khaladaad ku jireen, sida uu guddiga sheegay.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble inuu isaga xayiraadda mas’uul ka yahay isagoo kursi u raadinaya qof kooxdiisa ka tirsan, qofkaas ayaa loo fahmay wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya oo isagu raadinayey mid ka mid ah sadddexda kursi ee uu guddiga joojiyey. 

Waxaa dhowaanahan socday wada-hadallo ay xildhibaano billaabeen oo uu markii dambana kusoo biiray hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, balse wax natiijo la taaban karo ah kama soo bixin, inkasta oo Qoor Qoor uu weli ku sugan yahay magaalada Baydhaba.

Xubnaha uu guddiga u dirayo Baydhaba ayaa imaneysa ayada Xubnaha Beesha Caalamka ay weli wadaan dadaallo ay rabaan in kuraasta la xayiray lagu fasaxo, iyagoo cadaadis saaraya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga doorashada ee FEIT.

Ma cadda xubnaha guddiga u dirayo Baydhaba ay horseedi doonto in dib loo dhigo dhaarinta xildhibaanada inta ay xal kasoo helayaan iyo in jadwalka dhaarinta ee 14-ka April lagu socon doono.