Guddiga doorashada Jubaland oo fulinaya dalab uu u gudbiyey Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe oo xalay kulan la qaatay guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland ayaa u gudbiyey dalab la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Axmed Madoobe oo ugu horeyntii Guddiga ku bogaadiyey shaqada ay hayaan, ayaa ku dhiirigeliyey inay si hufan u qabtaan waajibaadka loo igmaday, isagoo ka dalbay inay qabtaan doorasho wada-ogol ah oo xor iyo xalaal ah.

Xubnihii ka socday Guddiga doorashada Jubbaland ee la kulmay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankooda ballan-qaaday inay qaban doonaan doorasho xor iyo xalaal ah, sida uu ka dalbaday.

Sidoo kale waxa uu Guddiga ka codsaday madaxweynaha Jubbaland inay ka heleen maamulkiisa wada-shaqeyn, si ay si fudud ugu gutaan waajibaadka loo igmaday.

Waxaa si habsami leh u socota dar-dar gelinta hanaanka doorashooyinka, xili uu dhawaan ra’iisal wasaare Rooble uu booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Si kastaba, waxaa lagu wadaa sida uu qorshuhu yahay in dhamaadka bishaan July in doorashada Senatarada Aqalka Sarre ay ka dhacdo qaar kamid ah magaalooyinka dalka Soomaaliya.