28.1 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Guddiga doorashada: Kursiga Abtidoon waa mid sax ah oo caddaalad lagu doortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiga Doorashada ee Galmudug ayaa diiday warqaddii kasoo baxday guddoomiyaha guddiga doorashada Cumar Dhagey oo ku diiday kursigii uu ku guuleystay Abtidoon Yare.

Cumar Dhagey oo la rumeysan yahay inuu si hoose ugu xiran yahay xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi ayaa sharci darro ku tilmaamay doorashada Abtidoon Yare, hase yeeshee xubnihii guddiga doorashada ee goobjoogga ka ahaa ayaa caddeeyey in doorashaadaas ay si caddaalad ah ku dhacday.

Abtidoon ayaa ku guuleystay kursiga beesha Gaabane/Saleebaan, kadib markii uu taageero xooggan ka helay ergada beesha, taasi oo keentay in Caasha Xaaji Cilmi ay tartanka geli weysay ayada ay ogaatay inaysan haysan taageero ku filan.

Warqad ay soo saareen guddiga oo soo gaartay Caasimada Online hoos ka aqriso.

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/12/go27aan-nov-30.pdf” width=”700″ height=”1300″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News